Sign in to follow this  
Deeq A.

Ilaa 80 muhaajiriin ah oo si khasab ah loogu daadiyay badda jabuuti

Recommended Posts

Deeq A.   

Hay’adda Socdaalka Adduunka ee IOM, ayaa maanta shaacisay in tobaneeyo muhaajiriin Afrikaan ah laga cabsi qabo in ay Arbacadii  ku dhinteen xeebaha waddanka Jabuuti, kadib markii laga tuuray doonni ay la socdeen.

Doonta oo siday 200 oo muhaajiriin ah, ayaa Arbacadii shalay ka tegtay xeebta Oulebi ee dalka Jabuuti, waxaana ay ku sii jeeday waddanka Yemen, ka hor inta aan  badda lagu tuurin 80 qof oo kamid ahaa muhaajiriinta.

Hay’adda IOM ayaa laga soo xigtay in saacad kadib markii doontu baxday ay Tahriibayaashu go’aansadeen in ay ka tuuraan 80 ruux, kadib markii culays saa’id ah laga dareemay doonta.

Hay’adda waxay sheegtay in ilaa iyo haatan la helay maydadka 5 qof oo kamid ah muhaajiriintii doonta laga tuuray, balse weli la la’yahay 75 ruux oo kale.

 Muhaajiriinta ka tahriiba xeebaha Jabuuti, ayaa inta badan ka yimaada dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya, waxaana ay u safraan dhanka Yemen, iyagoo uga sii gudba dalka Sacuudiga, si ay shaqa uga helaan.

PUNTLAND POST

The post Ilaa 80 muhaajiriin ah oo si khasab ah loogu daadiyay badda jabuuti appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this