Sign in to follow this  
Deeq A.

Shirkiii Farmaajo iclaamiyay oo markii sadexaad baaqday

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland, ayaa maanta ka baaqday Shirkii Arimaha doorashada oo uu iclaamiyay Madaxweyne Farmaajo, sida ay xaqiijiyeen ilo xog-ogaal ah.

Siciid Deni iyo Axmed Madoobe, ayaa dalbaday in wakhti la siiyo dadaalka ay wadaan Ra’iisul wasaare Rooble iyo Midowga Murashixiinta Muqdisho, islamarkaana aan la xagal-daacin Heshiiskii ay gaareen.

Sidoo kale, waxay sheegeen in Shirka ay ogolyihiin balse lagu qabto goob amaan ah oo ku taal Garoonka Diyaaradaha Muqdisho, haddii kalena aysan imaan doonin.

Shirkan ayaa ah kii saddexaad oo Madaxweyne Farmaajo iclaamiyay oo u baaqday tabashada Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland.

PUNTLAND POST

The post Shirkiii Farmaajo iclaamiyay oo markii sadexaad baaqday appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this