Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxkamadda Sare ee Soomaaliya oo hakisay kiisaska dacwadaha Madaniga ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Maxkamadda Sare ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in laga bilaabo Sabtida la hakiyay dhegaysiga, Furashada iyo Fulinta dhammaan dacwadaha aan ciqaabta ahayn, si loo xakameeyo faafidda xanuunka COVID-19.

Qoraal ka soo baxay xafiiska Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo lagu socod-siiyay dhammaan hay’adaha Garsoorka dalka iyo Laamaha Amniga ayaa lagu shaaciyay go’aankaan.

Maxkamaddu waxay sheegtay in ay sii socon doonaan kiisaska dacwadaha ciqaabta ku saabsan, inta laga soo saarayo go’aan kale oo dib loogu fasaxo kiisaska madaniga ah.

Sidoo kale, waxay tilmaantay in dhammaan dhegaysiga dacwaduhu ay ka xirnaan doonaan dadweynaha, si looga gaashaanto xanuunka Coronavirus.

One.jpg?resize=1000%2C1415&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Maxkamadda Sare ee Soomaaliya oo hakisay kiisaska dacwadaha Madaniga ah appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this