Sign in to follow this  
Deeq A.

Muhaajiriin ku geeriyootay doon ku degtay xeebaha dalka Jabuuti

Recommended Posts

Deeq A.   

Ugu yaraan 20 ruux ayaa ku geeriyootay doon ku qalibantay xeebaha Oboq ee wadanka Jabuuti, sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan dowladda oo la hadlay warbaahinta.

Xiriiriyaha hay’adda socdaalka Qaramada Midoobay ee Bariga Afrika, Maxamed C/qaadir ayaa boggiisa Twitter-ka ku sheegay in doonta qalibantay ay ku sii jeeday dalka Yemen.

Dhacdadan ayaa lagu sheegay in ay tahay midii saddexaad oo muddo ka yar lix bilood ka dhacda xeebaha ee dalka Jabuuti oo ay ku geeriyoodeen dad ka badan 70 ruux.

Afhayeen u hadlay hay’adda IOM ayaa wakaalada wararka ee Anadole u sheegtay in kooxaha dadka Tahriibaya ay qaar ka mid ah dadka muhaajiriinta ah badda ku tuureen, maadaama doonta ay dad badan saarnaayeen.

Meydadka illaa iyo shan ruux ayaa laga soo saaray badda, iyadoo inta badan muhaajiriinta saarnaa doonta qalibantahay ay ka soo jeedaan wadamada Itoobiya iyo Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this