Sign in to follow this  
Deeq A.

Villa Soomaaliya Oo Aqbashay Banaanbaxa Mucaaradka

Recommended Posts

Deeq A.   

War ka soo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu fasaxay banaanbaxa Sabtiga ee ay qabanayaan Musharixiinta Mucaaradka.

Dowladda ayaa horay dhowr jeer u diiday in uu dhaco banaanbaxa ay soo abaabuleen Midawga Musharixiinta .

Ugu danbeyn Villa Soomaliya ayaa Aqbashay Isusoobaxa Looga soo horjeedo Farmaajo.

war-saxaafadeedka Villada ayaa loogu baaqay qaban qaabiyayaasha in ay ilaaliyaan khataraha uu ku faafi karo xanuunka Covid.

Hoos Ka Akhriso War-Saxaafadeedka Villa Somalia.

War Saxaafadeed

Xukuumadda Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya iyada oo tixgelinaysa geeddi socodka dimuqraadiyada, qabsoomidda doorashooyinka qaranka iyo ilaalinta heshiisyadii mucaaradka waxa ay u ogolaatay mucaaradka codsigoodii ahaa in mudaharaadka ay ku qabsadaan fagaaraha Daljirka Dahsoon.

Bilowgii, Xukuumaddu waxay u soo jeedisay mucaaradka in ay mudaharaadkooda ku qabsadaan Eng Yariisow Stadiyoom si loo xaqiijin karo habraacyada xakamaynta COVID-19 ee waajibka ah, laakiin markii mucaaradku ku adkaysteen fagaaraha Daljirka Dahsoon xukuumaddu iyada oo tixgelinaysa heshiisyadii la wada gaaray waxay ogolaatay dalabkii mucaaradka.

Ugu dambayn Xukuumaddu waxay fartay qaban qaabiyayaasha mudaharaadku in ay dibad baxayaasha ku adkeeyaan soo qaadashada afxirka iyo kala fogaanshaha.

Dhamaad

received_422603515496313-694x1024.jpeg

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this