Sign in to follow this  
Deeq A.

Gudaha magaalada Boosaaso oo Hubka laga mamnuucay

Recommended Posts

Deeq A.   
Bari.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1

Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa shir Gudoomiyay kulanka Todobaadlaha ah ee Amniga Magaalada Bosaaso ee Gobalka Bari, waxaana fadhiga ku sugnaa dhamaan Saraakiisha Amniga Magaalada Bosaaso iyo qaar kamid ah Taliyaasha Saldhigyada kulankaan oo manta diirada lagu saaray amniga iyo kala warqaadasho Saraakiisha iyo Taliyahooda oo dib ugu soo laabtay Xafiskiisa,

Kulankaan oo ahaa u jeedadiisa kala warqaadashada amniga Bosaaso ayaa Taliye Xuseen waxa uu dhamaan ciidamada Booliska Gobalka uga mahadceliyay dadaalka ay galiyeen sugida amniga guud ee Gobalka Bari Sidoo kalle inta uu socday shirka amniga Gobalka Bari ayaa diirada lagu saarey sida ugu haboon ee loo xoojin karo amaanka guud.

Taliyaha Qeybta G/Sare Xuseen Cali ayaa kulankan ku shaacisey in aan la aqbali doonin soo galinta waxyaabaha maanka dooriya Guddaha Magaalooyinka Gobalka Bari isagoona ku amray Baraha Gadiidka in ay labajabaraan Baarista Gadiidka Soogala Magaalada si looga hortago wax walba oo dhibaato amni iyo mid Nafeed u geesanaya shacabka iyo Dhalinyarada.

Inta uu socday kulankaan ayuu Taliyuhu sharaxaad ka bixiyay Go’aanada kasoo baxay shirkaas isagoona sheegay in sidoo kale aan la aqbali Karin in hub sharci darro ah lagu dhex qaato gudaha Magaalada waxana uu dhamaan amray Sarakiisha in shacabka aan lagu dhibaateen Dareeska ciidanka Dowlada.

PUNTLAND POST

The post Gudaha magaalada Boosaaso oo Hubka laga mamnuucay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this