Deeq A. Posted March 3, 2021 Gudoomiyaha Texas Greg Abbott Gobolka Texas ayaa noqday gobolka ugu weyn gobollada Mareykanka ee ilaa iyo hadda qaaday amarki dadka farayay in ay xirtaan maaska ama marada afka lagu daboolo ee looga gaashaanto faafista cudursidaha Coronavirus.Inkasta oo ay khubarrada caafimaadka ay codsadeen in aanan tallaabadani la qaadin, haddana, guddoomiyaha gobolka Texas Greg Abbott oo Jamhuuri ah, ayaa isaga oo ku dhexjira maqaayad lagu magcaabo Lubbock, shalay kaga dhawaaqay, in la gaaray waqtigii boqolkiiba boqol Texas la furi lahaa.Wareegtada guddoomiye Abbott ayaa fareysa laamaha amniga iyo maxkamadaha, in aysan dadka gobolkiisa wax ciqaab ah dul-dhigi karin, dadka aanan wada af-xirka ama maaska. Amarkan ayaa dhaqan-gali doona marka la gaaro 10-ka bishan March ee sannadka 2021-ka. PUNTLAND POST The post Texas oo qaadeysa amarka marada afka lagu xirto appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites