Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirka arrimaha gudaha oo kulamo ka wada Beledweyne

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka wasaaradda arrimaha guduha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane  Muqtaar Xuseen Afrax ayaa Magaalada Baladweyne kulan kula qaatay qaar ka mid ah Odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka Gobolka Hiiraan.

Wasiirka iyo Odayaasha ayaa ka wada hadlay sidii loo dar-dar gelin lahaa nabad gelyada Gobolka iyo arrimaha dib u heshiisiinta bulshada halkaasi ku dhaqan.

Qaar ka mid ah Odayaasha oo shirkaasi ka hadlay ayaa aad usoo dhoweeyay howlaha dib u heshiisiinta ee ay Dowladda Federaalka ka waddo Gobolka Hiiraan.

Afrax2.jpg Afrax3.jpg Afrax4-1.jpg

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this