Sign in to follow this  
Deeq A.

DF Soomaaliya oo shuruudo ku xirtay dibadbaxa mucaaradka

Recommended Posts

Deeq A.   

Xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa soo saartay amarro cusub oo lagu sheegay in lagaga hortagyo fiditaanka fayraska korona maadaama oo cudurka Covid-19 aad ugu soo laba kacleeyey dalka.

Wasiirka warafaafinta Soomaaliya Cusmaan Abuukar Dubbe ayaa BBC u sheegay in tallaabooyin looga dalka si looga hortaggo fiditaanka cudurka Covid-19 sida in la xiray iskuulaada, jaamacadaha, in la xaddiday isu socodka gudaha dalka iyo in cudurka laga baaro dadka dibadda ka imaanaya.

Wuxuu intaas ku daray in lagu heshiiyay in mucaaradka Sabtida ay qabsan doonaan dibadbaxa balse lagu xiray labo arrin.

“Dibadbax lasoo codsaday oo ah kii laga heshiiyay xaley…labo shurudood oo kaliya ah ayaa ku xiran oo qabanqaabiyeyaashii dibadbaxu ay horey u sheegeen labadaa qodob inay diyaar u yihiin waa marka koowaad ee in dadka dibadbaxa imaanaya ay kala fogaadaan iyo inay soo qaataan afsaar labadaa shurudood ayaa muhiim ah, labadaa shurudood marka la fuliya dibadbaxa Sabtida waa la ogolaaday”

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this