Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Internet-ka oo laga jaray afar gobol oo ku yaalla koonfurta Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Baydhaba (Caasimada Online) – Muddo ku dhow toddobaad waxaa uu qadka Internet-ka ka maqanyahay guud ahaan degaanada maamulka Koonfur Galbeed iyo Gobalka Gedo oo dhamaantood ku yaalla Koonfurta Soomaaliya. 

Ilo-wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa Caasimada Online u sheegay in Al-Shabaab ay jareen guud ahaan Internet-ka goballadaas lamana oga sababta keentay in amarkaas ay soo saaraan Al-Shabaab. 

Xubno ka mid ah maamullada gobalada iyo degmooyinka ayaa Caasimada Online u sheegay in guud ahaan qadka ka maqanyahay islamarkaana ay Al-Shabaab jareen iyagoo amar dul dhigay shirkadaha bixiya Internet-ka ee gobaladaas. 

Al-Shabaab ma aysan faah faahin sababta ay u soo saareen amarkaan, sidoo kale maamullada shirkadaha ma aysan bixin faah-faahin ku aadan waxa ay isku haayaan iyaga iyo Al-Shabaab. 

Waqti adag ayey oo ay abaaro xoog leh ka jiraan aagaas ayey Al-Shabaab qadka gooyeen waxa uuna saameyn weyn ku yeeshay guud ahaan degaanada maamuladaas. 

Xiriiro aan la sameynay shirkadaha Isgaarsiinta ee bixiya Internet-ka ayaa sheegay in adeegyada kale ay fiicanyihiin sida wicitaanka mobilka iyo adeegyada kale ee lacagaha la isugu diro. 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this