Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxkamada Ciidamada Puntland oo xukuntay weriye kilwe Aaden

Recommended Posts

Deeq A.   

Maxkamadda Ciidamada qalabka-sida ee dowladda Puntland maanta oo Arbaco ah saddex bilood oo xabsiya ku xukuntay weriye Kilwe Aadan Farax oo dowladda u xirnaa muddo 60 cisho ah.

Maxkamaddu waxay sheegtay sheegtay in xeer ilaalinta aysan soo bandhigin wax caddayn ah oo muujinaya eedaynta loo jeediyay weriye Kilwe taas oo ahayd in uu duubay sawirka madaxweyne Deni oo la jeexjeexayo.

Xukunka lagu riday weriye Kilwe Aaden, wuxu ka soo bilaaban maalintii la xiray oo ku beegnayd 28 December 2020 sida ay sheegtay Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida.

PUNTLAND POST

The post Maxkamada Ciidamada Puntland oo xukuntay weriye kilwe Aaden appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this