Sign in to follow this  
Deeq A.

Goobaha Waxbarasho oo u Hoggaansamay go’aanadii DF

Recommended Posts

Deeq A.   

Iyadoo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay soo saartay go’aano labo todobaad lagu xirayo goobaha Waxbarashada dalka ayaa waxaa durbaa amarkaas u hoggaansamay qaar ka mid jaamacadaha ku yaalo Muqdisho oo ay ugu horeyso Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.

Raktarka Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ayaa ku wargeliyay dhamaan Maamulka, Macalimiinta iyo Ardayda Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed In 2-da Todobaad ee soo socota ay Fasax tahay Jaamacadda.

“Laga bilaabo 2-da March 2021-ka ilaa 17-ka March 2021-ka, iyadoo la fulinayo amarkii kasoo baxay Xukuumadda Federalka iyadoo la tixgalinayo sidii looga hortagi lahaa Faafidda Cudurka Halista ah ee Covid19,” warka ka soo baxay Maamulka Jaamacadda.

Sidoo kale, Jaamacadda Soomaaliya (UNISO) ayaa joojisay fasalada iyo howlaha kale ee waxbarasho ee Jaamacadda muddo labo asnuuc ah laga bilaabo 3/3/2021.

Jaamacadda ayaa ku dadaaleysa in howlaha waxbarashada ay ku baxiso Online.

Xaaladaha COVID-19 ee dalka ka jira awgeed dowladdu waxa aysoo saartay go’aan ah in GOOBAHA WAXBARASHADA laxiro muddo labo toddobaad ah oo ka billaabaneysa 03/03/2021 illaa laga gaarayo 17/03/2021.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this