Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland: Lix weriye oo lagu dilay Gaalkacyo imisa Al-shabaab sheegteen dilkooda?

Recommended Posts

Deeq A.   
Marxuum-Jamaal.jpg?resize=674%2C590&ssl=Marxuum Jamaal Faarax Aaden

Malayshiyaadka Al-shabaab ayaa markii labaad sheegtay mas’uuliyadda weriye lagu dilay gudaha Puntland, gaar ahaanna waqooyiga Gaalkacyo.

War ka soo baxay Al-shabaab, ayay ku sheegteen mas’uuliyaddi dilkii AUN Jamaal Faarax Aaden, kaas oo habeen ka hor lagu dilay xaafadda Siinaay ee waqooyiga Gaalkacyo.

Alle ha u naxariistee, weriye Jamaal Faarax, waxay Al-shabaab ku eedeeyeen in uu ka tirsanaa dharcadka u shaqeeya hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Puntland, islamarkaana Bulshada ku dhiirri-gelin jiray dagaalka Al-shabaab.

Marxuum Jamaal ayaa noqday weriyihii labaad ee lagu dilay Puntland, gaar ahaanna waqooyiga Gaalkacyo, kaas oo ay mas’uuliyadda dilkiisa sheegteen malayshiyaadka Al-shabaab.

5 March 2012, waxa Gaalkacyo lagu dilay weriye Cali Axmed Cabdi oo ka tirsanaa Radio Gaalkacyo, kaas oo noqday suxufigii u horreeyay ee Puntland lagu dilo oo Al-shabaab dilkiisa sheegteen, kuna eedeeyeen in uu ka tirsanaa Sirdoonka Puntland.

Sidoo kale, waxa Gaalkacyo lagu dilay weriyaal kale oo aysan jirin cid sheegatay mas’uuliyadda dilkooda, inkastoo Al-shabaab lagu eedeeyay in ay ka dambeeyeen dilalkaas.

31 Agoosto 2010, waxaa Gaalkacyo lagu dilay suxufi Cabdullaahi Cumar Geeddi oo ka tirsana idaacadda Radio Daljir, ha yeeshee cidna ma sheegan dilkiisa.

2 May 2012, waxa Gaalkacyo lagu dilay weriye Farxaan Jeemis Cabdulle oo ka tirsanaa Radio Daljir, balse isagana cid ma sheegan dilkiisa.

18 November 2014, Cabdirisaaq Cali Cabdi (Silfar) oo ka tirsanaa Radio Daljir ayaa isna lagu dilay magaalada Gaalkacyo mana jirin cid sheegatay mas’uuliyadda dilkiisa.

18 September 2018, waxa sidoo kale Gaalkacyo lagu dilay weriye Cabdirisaaq Siciid Cismaan oo ka tirsanaa idaacadda Codka Nabadda Gaalkacyo, waxaana dilkiisa loo adeegsaday toorrey, kadibna waxa laga furtay Kambayuutar iyo Kaamirad uu sitay.

PUNTLAND POST

The post Puntland: Lix weriye oo lagu dilay Gaalkacyo imisa Al-shabaab sheegteen dilkooda? appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this