Sign in to follow this  
Deeq A.

Kooxo hubeysan oo xalay dil ka geystay magaalada Beledweyne

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xalay wiil dhalinyaro ahaa lagu dilay gudaha magaalada Beledweyne ee xarunta gobolkaasi.

Dilka oo ka dhacay xaafadda Xaawo Taako ayaa waxaa fuliyey rag burcad ah oo ku hubeysnaa Mindiyo, sida ay innoo sheegeen ilo dadka deegaanka ah.

Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cabdishakuur Maxamed, waxaana markii hore soo gaaray dhaawac halis ah, isaga oo markii dambe ku geeriyooday isbitaalka.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku sii daraya in kooxdii ka dambeysay falkaasi ay ku baxsadeen mooto ay wateen.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa sidoo kale goobta gaaray, kuwaas oo sameeyey howl-gallo kooban, balse ma jirto illaa iyo hadda cid ay u soo qabteen dilkaasi.

Muddooyinkii u dambeeyey ayaa waxaa magaalada Beledweyne ka dhacayey falal ammaan darri oo u badan dilal qorsheysan iyo dhac loo geysanayo dadka shacabka ah.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this