Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo soo dhoweysay dadaallada uu wada Ra’iisul wasaare Rooble

Recommended Posts

Deeq A.   

Warsaxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada Puntland ayaa waxaa looga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka ee sanadkan 2021-ka.

Ugu horreyn Puntland ayaa soo dhoweysay dadaallada uu wado ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo kulamo la yeeshay Musharraxiinta.

Sidoo kale waxa ay Puntland shaaca ka qaaday inay diyaar u tahay inay ka qeyb-qaadato shirarka siyaasadeed ee looga arrinsanayo xaaladda dalka, si loo gaaro xal mideysan.

Halkan hoose ka aqriso:

Puntland waxay u aragtaa dadaalada ay wadaan Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Midowga Murashaxiinta kuwo u gogol xaaraya jawi ay ku qabsoomi karaan shirar looga wada hadlo qabsoomidda doorasho loo dhan yahay, heshiisna lagu yahay.

Sidoo kale, Dowladda Puntland waxay cadeynaysaa inay markasta diyaar u tahay ka qaybgalka shirarka xalka loogu raadinayo qabsoomidda doorasho heshiis lagu yahay oo ku qotonta heshiiskii 17 September 2020.

Dowladda Puntland waxay soo jeedinaysaa in shirarku ka dhacaan Garoonka diyaaradaha Magaalada Mogadishu, waxayna ka filaysaa Xafiiska Qaramada Midowbay iyo AMISOM inay diyaariyaan goobta iyo amniga shirarka. Dowladda Puntland waxay Wakiilada Beesha Caalamka uga mahad celinaysaa dadaalada joogtada ah ee ay la garab taagan yihiin Dowladda iyo Shacabka Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this