Sign in to follow this  
Deeq A.

“Waa In La Ciqaabaa Dhaxal Sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salman” Ilhaan Cumar Oo Doonaysa In La Ciqaabo Dhaxal-sugaha Sacuudiga

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Riyadh)-Ilhan Cumar oo ka mid ah mudanayaasha Aqalka Wakiillada Mareykanka ayaa salaasadii shalay soo saartay, qodob sharci ah oo ay ku rabto in Aqalka Hoose uu cuna-qabateyn saaro Dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salman.

Ilhaan ayaa sheegtay, in ay Maxamed Bin Salman oo ku magac-dheer MBS lagu ciqaabo, doorki uu ku lahaa dilki qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul loogu geystay, wariye Jamaal Khashoggi, sannadki 2018-ki.

Sirdoonka Mareykanka ayaa Jimcihi shaaciyay, warbixin in muddo ahba la sugayay oo si cad ugu eedeysay Maxamed Bin Salman, inuu amray in lasoo xidho ama lasoo dilo wariye Kashoggi oo ahaa saxafi u dhashay Sacuudiga balse heystay deganaashaha Mareykanka.

Bayaan ay shalay soo saartay, ayay Ilhan ku tidhi: “Tani waa tijaabada bani’aadannimadeenna. Haddii Mareykanka uu si dhab ah u taageero xorriyadda hadalka, dimoqraadiyadda iyo xuquuqda aadanajha, ma jirto sabab aanan cuna-qabateyn loo saarin Mohammed bin Salman oo ah ninka ay sirdoon-keenna xaqiijiyeen inuu dilay Jamal Kashoggi oo ahaa saxafi degannaa Mareykanka”

Marrykanka ayaa todobaadki hore cuna-qabateyn saaray in ka badan 60 muwaadin oo Sacuudi ah, balse kuma jirin Maxamed Bin Salamn.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this