Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Soomaaliya oo sop saartay go’aamo

Recommended Posts

Deeq A.   
VideoCapture_20210302-222319.jpg?resize=

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo rogtay xayiraado la xiriira xanuunka Covid-19.

Wasiirka Warfaafinta dawladda Soomaaliya Cismana Abuukar Dubbe ayaa caawa warbaahinta u arkhriyay go’aamo uu soo saaray Ra’iisul Wasaarw Rooble.

Go’aamadan waxaa ka mid ah in dhammaan goobaha waxbarashsda la xiri doono muddo laba asbuuc ah oo ka bilaamanaysa berri oo 3-da Maarso ah ilaa Maarso 27.

Sidoo kulamada dadweynaha wixii ka badan 10 qof ayaa la joojiyay muddo bil ah, marka laga reebo dadka ogolaanshaha haysta oo iyagana lagu xiray in ay isku jirsadaan laba mitir iyo in ay soo qaataan afxir.

Waxaa sidoo kale dowladdu sheegay in qof kasta ay waajib ku tahay in uu qaato afxirka marka uu joogo goobaha la iskugu yimaado sida masaajidda, goobaha ganacsiga, gaadiidka dadweynaha iyo meelaha kale ee la iskugu yimaado.

Xafiisyada dawladda ayaa si ku meel gaar ah loo xirayaa muddo laba asbuuc ah oo ka billaamanaysa berrito, sidoo kale isu socodka Muqdisho iyo gobollada ayaa la dhimi doonaa.

Dowlada waxay sheegtay in gadiidka dadweynaha iyo kuwa khaaska ah ay si caadi ah u sii socon doonaan, balse ay dadka waajib inay xirtaan afxirka.

Hooska daawo wasiir Dubbe oo ka hadlaya arrimahaas iyo kuwo kale.

PUNTLAND POST

The post Dowladda Soomaaliya oo sop saartay go’aamo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this