Sign in to follow this  
Deeq A.

Jubbaland: Waxay Dhiiri Gelinaysaa, Qabtaana in La Tabantaabiyo Waqtina La Siiyo Wada Hadalada U Dhexeeya RW Rooble iyo Midowga Musharixiinta.

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowlad gobaleedka Jubbaland ayaa sheegtay in ay diyaar u tahay ka qeyb qaadashada shirka wadatashiga arrimaha Doorashooyinka.

Maamulka Jubbaland ayaa sidoo kale ugu Baaqay Farmaajo in waqti la siiyo wadahadalada u socda Musharixiinta iyo Ra’iisul wasaaraha xilgaarsiinta ah ee Rooble.

Qoraal uu bartiisa Twitter-ka soo dhigay Madaxweynaha Jubbaland ayuu ku baaqay in waqti la siiyo wada hadalada Rooble iyo musharrixiinta wuxuu intaas ku daray in Jubbaland diyaar u tahay shirka iyadoo lagu qabanayo goob amnigeeda la isku haleen karo.

Hoos Ka Akhriso Qoraalka Axmed Madkobe.

Dowlad Jubaland waxay dhiiri gelinaysaa, qabtaana in la tabantaabiyo waqtina la siiyo wada hadalada u dhexeeya RW Rooble iyo midowga musharixiinta. Waxay sidoo kale diyaar u tahay ka qayb galka shir ka dhaca meel amnigeeda lagu kalsoon yahay, gundhigiisuna yahay heshiiskii Sep17

FB_IMG_1614708148742.jpg

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this