Deeq A. Posted March 2, 2021 4. Risks of Fraud or Identity Theft- Waxaa aad u suuragal ah in social mediyuhu kuu geeyo website-yo iyo xidhiidho (Links) aan nabdooneyn (unsafe) oo ay ku qadhaabtaan dadka wax dhaca ama denbiyada caalamiga ah ku jira. Waxaa kuwaas ka mid ah kuwa ka ganacsadawaxa loo yaqaanno (illicit drugs) ama daraaagiska sharci darrada ah ee aadka loo baadi goobo. Waxaa kaloo sii raaca oo qaybahaa soo gelaaya qofka oo haddii aanu ka taxadarrin website-yada wax lagu kalo gato oo aanu aqoon u lahayn sida loo hubiyo kalsoonidooda iyo shahaadada badbaado ee ku lifaaqan website-ka waxaa suuragal ah inuu hantidiisa ku shubo budhacad internet ka ku jirta. 5. Time wasting—Baraha bulshada haddii qofku qabatimo waxay ku keentaa inuu ku waayo waqt badan oo uu wax baran lahaa, cibaadeysan lahaa ama si uun noloshiisa iyo tan ahalkiisa wax ugu qaban lahaa. 6. Invasion of privacy. Waxaa kaloo ku iman karta qofka ku WELFA facebook+whatsapp iyo youtube-ba in mar uun ku siibto in dadka xu nee ku dhex jira social mediyuhu ay xadaan qofka xogtiisa tusaale baanka accountiga, iyo dhammaan arrimaha qofku si khaas ah u leeyahay ee aaney fiicneyn in lala wadaago. La soco——– Wacays Caanood faraska1988@gmail.com Qaran News Share this post Link to post Share on other sites