Sign in to follow this  
Deeq A.

Beesha Caalamka oo War Degdeg ah Kasoo Saartay Xaaladda Dalka iyo Shirarka

Recommended Posts

Deeq A.   

Saaxiibada Soomaaliya ee beesha caalamka oo goordhow qoraal soo saaray ayaa soo dhoweeyey wada haddala ay dowladda iyo mucaaradka yeesheen iyaga oo ku baaqay in si degdeg ah loo qabto shirkii doorashada.

Qoraal kasoo baxay ayaa lagu yiri sidan:

Saxiibada Soomaaliya, waxay soo dhoweynayaan sii socoshada wadahadalada 1dii Maarso ee u dhaxeeyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo Golaha Musharaxiinta Madaxweynaha. Kadib shirkii guusha kusoo dhammaaday ee 25kii Febraayo, saaxiibadu waxay ka codsanayaan Ra’iisul Wasaaraha iyo Golaha Murashaxiinta Madaxweynaha inay ku tallaabsadaan horumar hor leh.

Waxaan sidoo kale ku boorineynaa madaxda DFS iyo DGXF inay qabtaan shir-madexeedkii la qorsheeyay maalmaha soo socda si loo xaqiijiyo qorsheyaasha fulinta ee heshiiskii 17kii Sebtember, loona soo gabagabeeyo dib u eegista soo-jeedintii Guddiga Farsamada ee 16kii Febraayo si geedi-socodka doorashada uu u bilaawdo iyadoo aanay jirin dib u dhac dambe.

Goobjoog News

 

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this