Sign in to follow this  
Deeq A.

Beesha caalamka oo war kasoo saartay wada-hadallada Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Wakiilada beesha caalamka ayaa soo dhoweeyey wada-hadallada u dhexeeya xukuumadda ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo xubnaha midowga musharraxiinta.

Qoraal kasoo baxay beesha caalamka ayaa waxaa lagu sheegay inay muhiim tahay in lasii wada dadaallada la doonayo in xal mideysan looga gaaro doorashooyinka 2021.

Sidoo kale wakiilada beesha caalamka ayaa ku baaqay in la dadajiyo qabashada shirka wada-tashiga ah ee u dhexeeyo dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka.

Halkan hoose ka aqriso:-

Saaxiibada Soomaaliya ee beesha caalamka waxay soo dhoweynayaan sii socoshada wadahadalada 1dii Maarso ee u dhaxeeyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo Golaha Musharaxiinta Madaxweynaha. Kadib shirkii guusha kusoo dhammaaday ee 25kii Febraayo, saaxiibadu waxay ka codsanayaan Ra’iisul Wasaaraha iyo Golaha Murashaxiinta Madaxweynaha inay ku tallaabsadaan horumar hor leh.

Waxaan sidoo kale ku boorineynaa madaxda DFS iyo DGXF inay qabtaan shir-madexeedkii la qorsheeyay maalmaha soo socda si loo xaqiijiyo qorsheyaasha fulinta ee heshiiskii 17kii Sebtember, loona soo gabagabeeyo dib u eegista soo-jeedintii Guddiga Farsamada ee 16kii Febraayo si geedi-socodka doorashada uu u bilaawdo iyadoo aanay jirin dib u dhac dambe.

Warkaan kasoo baxay Beesha Caalamka ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu shir isugu yeeray Madaxda dowlad goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this