Deeq A. Posted March 2, 2021 Dowladda Mareykanka ayaa shaacisay in Ururka Al Shabaab ay qorsheynayaan weeraro culus oo ka dhaca Dalka Kenya. Bayaan ka soo baxay Waaxda Duulimaadka Mareykanka ayaa lagu sheegay in Ururka Al Shabaab ay maleegayaan weeraro lagu qaado Diyaaradaha ka howlgalla Dalka Kenya. Qoraalka ayaa lagu xusay in Al Shabaab ay heystaan Hubka lidka diyaaradaha. Waxaa sidoo kale ay tilmaameen in Ururka Al Shabaab ay beegsan karaan Diyaaradaha dulmara Magaalada Gaarisa iyo Degmooyin kale oo dhaca Gobolka Waqooyi Bari ee Dalka Kenya. Waaxda Duulimaadka Mareykanka ayaa sidoo kale xustay in Hay’addaha Duulimaadka Kenya looga baahan yahay in ay ka feejignaadaan weerarada ay qorsheenayaan Ururka Al Shabaab. Ilaa hada majiro wax hadal ah oo ka soo baxay Dowladda Kenya oo ku aadan in Al Shabaab ay weeraro la damacsan yihiin Dalka Kenya. Ururka Al Shabaab oo ku xoogan qeybo ka mid ah Dalka Soomaaliya ayaa weeraro dhiig badan ku daatay ka fuliyay Magaalada Nairobi iyo qeybo kale oo mid ah Gobolka Waqooyi Bari ee Dalka Kenya. View the full article Share this post Link to post Share on other sites