Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada DF oo xubo ka tirsan Al-Shabaab ku dilay gobolka Sh/ Dhexe

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in saacadihii lasoo dhaafay ciidamada dowladda ay howl-gallo ka fuliyeen qeybo ka mid ah gobolkaasi.

Howl-gallada ayaa si gaar ah ciidamada Xoogga, gaar ahaan qeybt 16-aad waxa ay uga fuliyeen deegaanka Gamboole oo hoostaga degmada Jowhar ee xarunta Sh/Dhexe.

Saraakiisha horkaceysay howl-galladan ayaa shaaca ka qaaday inay dileen ku dhowaad 10 dagaalame oo ka tirsanaa Xarakada Al-Shabaab.

Sidoo kale saraakiisha ayaa tilmaamay in qabsadeen hub farabadan iyo saanad milatari, sida ay hadalka u dhigeen.

Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa duleedka magaalada Jowhar ee caasimadda maamulka HirShabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this