Sign in to follow this  
Deeq A.

Ururka RSF oo cambaareeyay dilka Wariye Jamaal Faarax Aaadan

Recommended Posts

Deeq A.   

Ururka Suxufuyiinta aan Xuduuda la heyn ee RSF ayaa si kulul u cambeereeyay dilka Allaha u naxariistee Jamaal Faarax Aadan oo ahaa Wariye madaxbanaan oo ku sugan Degaanada Maamulka Puntland.

Qoraal ka soo baxay Ururka RSF ayaa lagu cambaareeyay weerarkii Xalay lagu dilay Wariye Jamaal Faarax, kaasi oo ka dhacay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Kooxdii ka dambeysay dilka Wariye Jamaal ayaa goobta isaga baxsday iyadoo aan weli la shaacin sabaabta ka dambeysa dilkiisa.

Ururka RFS ayaa ugu baaqay Maamulka Puntland ay juhdi geliyaan sidii gacanta loogu soo dhigi la haa dableydii ka dambeysay weerarkii lagu dilay Wariye Jamaal.

Wariye Jamaal Faarax ayaa noqonaya Suxufigii ugu horeeyay ee lagu dilo Dalka Soomaaliya tan iyo markii uu bilaawday sanadka 2021-ka.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this