Sign in to follow this  
Deeq A.

Sheekh Adaan Siiro Oo Xaalad Caafimaad Loo Dhigay Cisbitaalka Ku Yaalla Magaalada Hargeysa

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Sheekh Adaan Xaaji Maxamuud (Sheekh Adaan Siiro) ayaa xaalad caafimaad loo dhigay cisbitaalka ku yaalla magaalada Hargeysa

Sheekh Maxamed Idiris oo ka hadlay xaalad caafimaad ee la soo daristay Sheekh Adaan Siiro ayaa waxa uu yidhi “Waxaa i soo gaadhey in Sh. Adam Xaaji Maxamuud (Sh. Adan Siiro) xanuunsanyahay oo cisbitaalka Hargeysa la dhigay, Ilaahay waxaan uga baryayaa inuu caafimaad siiyo, xanuunkana dembi dhaaf uga dhigo. Sh. Adan wuxuu ka mid yahay culimada Hargeysa ugu magac dheer, taariikh dheerna ku soo jirey dacwada iyo arrimaha bulshada, Ilaahay khayr ha ka siiyo. Sh. Adan wuxuu igu soo dhoweeyey magaalada Hargeysa 1993 iyadoo dadku dib markaas ugu soo noqonayo, magaaladana bur bur badani ka muuqdo oo guryaha in badan saqafku ka maqan yahay, xitaa masaajidda qaarkood, maantana Hargeysa waa xaalad taas ka duwan, Ilaahay baa mahaddaas leh, nabad iyo barwaaqo ha u siyaadiyo, sh. Adan Ilaahay caafimaad ha siiyo.”

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this