Sign in to follow this  
Deeq A.

Siciid Deni oo shaaciyey arrin ay isku hayaan Puntland & DF Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullahi Maxamed (Deni) oo wareysi gaar ah siiyey Universal TV ayaa ka hadlay khilaafka soo noq-noqday ee maamulkiisa kala dhexeeyo dowlada dhexe ee Soomaaliya.

Siciid Deni ayaa marka hore eedeyn culus u jeediyey Madaxweynaha uu waqtigiisu dhammaaday, wuxuuna sheegay inuu diidan nidaamka federaalka ee ka jira dalka.

Sidoo kale Deni ayaa shaaca ka qaaday in uusan jirin khilaaf weyn oo ka dhexeeya Puntland iyo dowladda federaalka, balse ay kasoo horjeedaan siyaasadda Farmaajo.

“Waa muhiim in la fahmo oo si sax ah loo sharaxo waxa Puntland iyo dowladda federaalka isku haayaan, laakin waxaan idiin cadeynayaa in uusan jirin khilaf weyn balse ay kasoo horjeedaan siyaasadda Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Farmaajo,” ayuu wareysigan ku Madaxweyne Siciid Cabdullahi Maxamed (Deni).

Deni ayaa sidoo kale ku eedeeyey madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday inuu ku tuntay dastuurka & shuruucda u taalla dalka, sida uu hadalka u dhigay.

Punntland ayaa ka mid ah maamulllada sida weyn uga soo horjeeda dowladda dhexe, gaar ahaan hannaanka ay ku wajaheyso doorashada dhaceysa sanadkan aynu ku jirno ee 2021.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this