Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Sarkozy oo xabsi lagu xukumay kadib markii dambi lagu helay

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynihii hore ee Faransiiska Nicolas Sarkozy ayaa lagu helay dambi musuq-maasuq, waxaana lagu xukumay saddex sano oo xabsi ah.

Sarkozy ayaa maxkamad ku taalla Paris waxay ku heshay inuu isku dayey inuu si sharci-darro ah saameyn ugu yeesho garsoore maxkamadeed, intii uu madaxweynaha ahaa.

Muddada xabsiga ayaa waxaa ku jira laba sano oo la hakiyey, oo macnaheedu yahay inay u badan tahay in Sarkozy uusan geli doonin xabsi.

Waxaa hubanti ah in Sarkozy uu racfaan ka qaadan doono xukunka, islamarkaana uu xor sii ahaan doono, iyada oo aysan jirin amar soo xiritaan ah oo loo soo saaray.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Sarkozy oo xabsi lagu xukumay kadib markii dambi lagu helay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this