Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxkamadda HAGUE oo war Cusub ka soo saartay Kiiska Muranka Dacwadda badda ee Somalia iyo Kenya ka dhex oogan

Recommended Posts

Deeq A.   

Maxkamadda HAGUE oo war Cusub ka soo saartay Kiiska Muranka Dacwadda badda ee Somalia iyo Kenya ka dhex oogan

 

 hague.jpg

Maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda ee The HAGUE ayaa war qoraal ah oo ay ka soo saartay kiiska muranka dhanka badda ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya ku sheegtay in dhagaysiga kiiskaasi uu furmayo maalinta Isniinta ah ee 15 bishaan Maarso marka saacaddu ay tahay 3 p.m.

Horay ayaa maxkamaddu u sheegtay in dhagaysiga kiiskaasi uu dhacayo taariikhda kor ku xusan, kaddib markii dhowr jeer oo hore dib loo dhigay.

Dadka ka qayb geliya dhagaysiga dacwadda ayaa loogu baaqay in lifaaqa ay uga qayb geli doonaan ay ka helayaan bogga maxkamadda.

Waxaa sidoo kale qoraalka lagu xusay in faahfaahinta jadwalka dhagaysiga oo dhammaystiran gadaal laga soo sheego doono.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this