Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Shirkii Rooble iyo Midowga Musharaxiinta oo soo dhamaaday iyo Rooble oo magacaabay laba guddi

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa goordhaw lasoo gabagabeeyey shirkii maanta magaalada Muqdisho uga furmay mas’uuliyiintii ka socotay dowladda federaalka ee uu hoggaaminayey ra’iisul wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta iyo golaha midowga musharaxiinta Soomaaliya, kaas oo sida la sheegay ku soo dhamaaday is faham.

Rooble ayaa kadib shirka magacaabay labo guddi oo dhaqan-geliya qodobbadii horey la isula qaatay.

“Kadib kulankii aan maanta la yeeshay Midowga Murashaxiinta,Madaxweynaha Hirshabelle & Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, waxaan magacaabay 2 guddi oo ka shaqeyn doona arrimihii aan isla garannay; Guddiga qabanqaabada Dibadbax nabadeed & Guddiga baarista dhacdooyinkii 19-kii Febraayo,” ayuu yiri Rooble.

Labada Guddi ee isku dhaf ka ah ayaa midkood ka shaqeyn doono sidii Midowga Musharaxiintu u qabsan lahaayeen isu soo bax nabdoon si wafaaqsan qodobka 20aad ee Dastuurka KMG, halka guddiga labaadna uu baaritaan ku sameyn doono dhacdooyinkii 19kii Febraayo 2021.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa faray Guddiga qabanqaabada bannaan baxa oo ka kooban 6 xubnood in ay mudnaan gaar ah siiyaan halista amni iyo midda caafimaad ee ku xeeran dalka, lana raaco tilmaamaha hay’adaha amniga iyo kuwa caafimaadka. Xubnahaas oo kala ah;

1.Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha XFS Mudane Xasan Xundubay Jimcaale
2. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Filish)
3. Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Warfaafinta XFS Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar (Cadaala)
4. Musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame
5. Musharax Madaxweyne Daahir Maxamuud Geelle
6. Musharax Madaxweyne Mustaf Sheekh Cali Dhuxuloow

Guddiga labaad ee Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu magacaabay ayaa loo xilsaaray baaritaanka dhacdooyinkii 19kii Febraayo waxayna kala yihiin;

1. S/Guud Bashiir Maxamed Jaamac Goobbe.
2. Col. Maxamed Cabdulqaadir Xaaji
3. S/Guuto Cabdiraxmaan Maxamuud Tuuryare
4. S/Guuto Maxamed Cali Bariise
5. G/le Dhexe Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud
6. Xuseen Macalin Maxamuud

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa kula dardaarmay guddiyadan in ay si hufan u gutaan waajibaadka Qaran ee loo igmaday.

155502239_2927234334174348_4057499882421 156118409_2927234570840991_4342440627702 156128249_2927234417507673_6267654180513 155839663_2927234347507680_6021647625684 156230640_2927234477507667_6696850783971 155796802_2927234427507672_3209597118819 Rooble-Mucaaradka.jpg 156108852_2927234394174342_2549779438122 156387379_2927234524174329_6426730875152 156336534_2927234577507657_6478274012789 156242474_2927234404174341_8082895898438 154983995_2927234510840997_3904477265054 Mucaaradka-iyo-Rooble.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this