Sign in to follow this  
Deeq A.

Taliye Odowaa & saraakiil kale oo gaaray Beledweyne + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Janeraal Odawaa Yuusuf Raage iyo wafdi saraakiil ciidan ah oo uu hoggaaminayo ayaa maanta ah gaaray gudaha Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan,iyada oo halkaasi siweyn loogu soo dhaweeyay.

Taliyaha waxaa socdaalkiisa ku wehlinaya saraakiil sare oo AMISOM ka tirsan, waxaana soo dhoweyn loogu sameeyay Garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif.

Taliye Odawaa ayaa inta uu ku sugan yahay Baladweyne wuxuu kormeer kala duwan ku sameyn doonaa Xerooyinka Ciidamada Dowladda deegaanadaas, gaar ahaan xarunta Baladweyne,wuxuuna xog-wareysi la yeelan doonaa saraakiisha ciidanka Xoogga dalka ee gobolka Hiiraan la howlgala.

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Generaal Odawaa Yuusuf Raage ayaa si gaar ah xoogga u saari doono dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda gobolka Hiiraan.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:-

WhatsApp-Image-2021-02-28-at-11.09.29-PM WhatsApp-Image-2021-02-28-at-11.09.30-PM

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this