Sign in to follow this  
Deeq A.

Shir u dhexeeya RW Rooble & musharraxiinta oo ka furmay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa maanta markale ka furmay shir u dhexeeya ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo midowga musharraxiinta mucaaradka.

Kulanka oo ah mid xasaasi ah ayaa ka billowday hotelka Decale ee magaalada Muqdisho, waxaana looga hadlayaa xaaladda dalka iyo arrimaha doorashooyinka ee 2021-ka.

Waxaa shirka goobjoog ah wejiyo cusub oo ka maqnaa shirkii hore ee heshiiska lagu gaaray, sida ra’iisul wasaarihii hore Xasan Cali Khayre iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Sidoo kale waxaa kulankan furmay goobjoog madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabelle, Mudane Cali Cabdullahi Xuseen (Guudlaawe).

Gabagabada ayaa la filayaa in war-murtiyeed laga soo saaray shirkan oo la doonayo in xal mideysan looga gaaro is mari-waaga ka taagan doorashooyinka dalke ee 2021-ka.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this