Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiir Fowsiya oo soo jeedisay in xayiraad lagu soo rogo dalka

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka caafimaadka Soomaaliya Fowsiya Abiikar Nuur ayaa soo jeedisay in xayiraad hor leh lagu soo rogo dalka si looga hortagga fiditaanka cudurka Karoona oo kusoo laba kacleeyay Soomaaliya.

Fowsiya waxay sidoo kale sheegtay in ‘xaaladda ay tahay mid daran isla markaana lasii wadayo dadaallada lagu xakameynayo cudurka” ayay ku qortay barta ay ku leedahay Twitter-ka.

Waxaa maalmihii u dambeeyay si kordhayay tirada dadka u dhimanaya cudurka Covid-19 ee Soomaaliya, sida ku cad xog ay baahisay wasaaradda caafimaadka ee Soomaaliya.

Khubarada caafimaadka ayaa rumaysan in Soomaaliya ay hadda wajahayso mowjaddii labaad ee Covid-19,loo baahan yahay in dadka si weyn looga wacyigeliyo khatarta cudurka.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this