Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Iraan oo diiday in ay wada-hadal la gasho Maraykanka iyo Midowga Yurub

Recommended Posts

Deeq A.   

Iiraan ayaa meesha ka saartay in kulan aan rasmi ahayn ay la yeelato Mareykanka iyo quwadaha Yurub si dib boorka loogaga jafo heshiiskii nukliyeerka, waxayna ku adkaysanaysaa in Mareykanka uu marka hore qaado cunaqabataynta uu kaligii ku soo rogay.

Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda ee Iiraan ayaa sheegay in waqtigii ku habboonaa aanay joogin wadahadallada ay Midowga Yurub ku baaqeen.

Mareykanka ayaa sheegay inuu arrintaas ka niyad-jabay hasayeeshee uu diyaar u yahay in uu markale bilaabo wadaxaajod dublamaasiyadeed oo arrintan laga yeesho.

Xiisadda ayaa cirka isku sii shareeraysay tan iyo intii uu 2018 Mareykanka isaga baxay heshiiskii nukliyeerka ee Iiraan.

PUNTLAND POST

The post Dowladda Iraan oo diiday in ay wada-hadal la gasho Maraykanka iyo Midowga Yurub appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this