Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Soomaaliya oo si adag u cambaaraysay weeraro Xuutiyiinta Yemen ku qaadeen Sacuudiga

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasaaradda Arrimaha dibadda iskaashiga caalamiga ah ee xukuumadda Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay weerar gantaalo ah oo maleeshiyaadka Xuuthiyiinta Yemen Axaddii ku qaadeen magaalooyin ka tirsan Sacuudiga.

Kooxda Xuuthiyiinta ayaa gentaalo ballistic ah ku tuuray jihada caasimadda Sacuudiga Carabiya ee Riyadh iyo magaalooyin ka tirsan gobolka Jiizaan oo ay kamid tahay Khamiis Mushayti.

“Soomaaliya waxay u aragtaa in weerarkan uu yahay mid xadgudub ku ah sharciga caalamiga ah iyo kan bani’aadamnimada isla markaana ah dambi argagixiso oo ka dhan ah meelaha la degan yahay, wuxuuna carqalad ku yahay dadaallada Qaramada Midoobay ku doonayso in lagu gaaro xal siyaasadeed oo dhammaystiran oo lagu soo afjaro colaadda Yemen” ayaa lagu yiri bayaanka soo  baxay wasaaradda.

Dowladda Soomaalia ayaa sidoo kale, sheegtay Boqortooyada Sacuudiga Carabiya ay xaq u leedahay in ay daafacto dhulkeeda ayna ilaaliso amnigeeda iyo bad-qabka muwaadiniinteeda.

2.jpg?resize=720%2C800&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Dowladda Soomaaliya oo si adag u cambaaraysay weeraro Xuutiyiinta Yemen ku qaadeen Sacuudiga appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this