Sign in to follow this  
Deeq A.

Muqdisho: Taliye ciidan oo qarax ka badbaaday

Recommended Posts

Deeq A.   
qaraxa-sax-1-696x379-1.jpg?resize=696%2C

Qarax miino ayaa maanta lala eegtay kolonyo gaadiida oo la socday taliye ku xigeenka Ciidanka Xoogga dalka Gen. Cabaas Aamin Cali oo marayay agagaarka iskuulka Hoyga Xamar ee degmada Hodan.

Qaraxa waxaa ku dhintay inta la xaqiijiyay qof shacab ah iyo labo askari oo ka tirsanaa ilaalada taliyaha.

Sidoo kale qaraxa waxaa dhawacyo ka soo gaareen askar iyo dad shacab ah oo marayay wadada.

Qaraxa oo ahaa miino kuwa dhulka lagu aaso ah ayaa jugtiisa laga maqlay inta badan degmooyin gobolka Banaadir.

Dowladda ayaa weli ka hadlin qaraxa lala eegtay taliye ku xigeenka Ciidanka Xoogga dalka Gen. Cabaas.

PUNTLAND POST

The post Muqdisho: Taliye ciidan oo qarax ka badbaaday appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this