Sign in to follow this  
Deeq A.

Rooble iyo Beesha Caalamka oo yeeshay shir looga hadlay arrimaha doorashada Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_16145068903355736.jpg?resize=720%

Ra’iisul Wasaaraha xukumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta habka fogaan aragga shir kula yeeshay wakiillada Beesha Caalamka u fadhiya Soomaaliya.

Bayaan ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Waare Rooble ayaa lagu sheegay in shirka looga hadlay sii wadista wadahadalada Dowlada Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada ee la xiriira hirgalinta heshiiskii 17-kii September 2020 iyo qodobbadii Guddigii farsamo ee Baydhabo.

Shirka ayaa sidoo kale la sheegay in lagu bogaadiyay isfahamkii ka soo baxay shirkii Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Midowga Musharaxiinta ee 25-kii Febraayo.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in maalmaha soo socda la iclaamin doono shir ay yeelan doonaan Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada, kaas oo looga hadli doono khilaafka doorashada.

PUNTLAND POST


The post Rooble iyo Beesha Caalamka oo yeeshay shir looga hadlay arrimaha doorashada Soomaaliya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this