Sign in to follow this  
Deeq A.

Itoobiya oo gacanta ku dhigtay hub badan iyo dadkii watay+Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

Itoobiya oo gacanta ku dhigtay hub badan iyo dadkii watay+Sawirro

 hub2.jpg

 

Booliska ka howlgalla  Magaalada Addis Ababa ee Caasimada Itoobiya ayaa sheegay, in gacanta ku dhigeen  Hub si xeeladeysan loo soo galiyay Magalada Addis Ababa, kana kooban Qoriga (BKM), Biskoolado iyo 5 Kun oo Rasaas kala duwan ah, kadib dabagal ay samaysay hay’ada sirdoonka iyo nabad sugida dalkaas.

Hubkani ayaa waxaa siday Gaari nuuca loo yaqaano ah Isuzu, kana soo kicitimay Magaalada Gondar ee Deegaanka Axmaarada,waxaana  Hubka loo ekeeysiiyay agab caadi ah oo saarnaa Gaariga.

hub-1.jpg

Warbixin Booliska magaalada Addis Ababa soo saaray ayaa lagu sheegay, in Hubka la qabtay uu kala yahay laba (BKM),  laba  Isneypar , 38 Bistooladaha Waawayn , 25 Bistoolado yaryar, 5992 Rasaasta Qoriga Aakaha, 898 Rasaasta Bistooladaha, 5 Rasaasta Qoriga Isanyparka ah, iyo agabyada Qoryaha, waxaana hubkaas laga qabtay  xaafada Gulale, gaar ahaan Dagmada 8aad, Xaafad hoosaadka 7aad.

Booliska ayaa intaasi ku daray in Gacanta lagu soo dhigay, laba rag oo gudbinaysay Hubkan soo na galiyay Magaalada Addis Ababa si dhibato loogu geysto wallow aysan shaacin dadka sigar ah u leh hubkaas.

Ugu dambayntiina booliska ayaa shacabka ugu baaqay in ay la shaqeeyaan hay’adaha nabad galyada, soona sheegaan waxyaabaha ay ka shakiyaan si gacan bir ah loogu qabto.

bistol.jpg

Dhowr jeer ayaa waxaa Booliska Addis Ababa ay qabteen hub kala duwan oo si qarsoodi ah loo geliyay Magaaladaas, hubkaas oo dadkii lahaa Itoobiya ay Maxkamadeeysay.

 

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this