Sign in to follow this  
Deeq A.

Markab laga leeyahay Israel oo qarax lala beegsaday oo gaadhay Dubai+Cida Qarxisay & Khasaaruhu qabo

Recommended Posts

Deeq A.   

Markab laga leeyahay Israel oo qarax lala beegsaday oo gaadhay Dubai+Cida Qarxisay & Khasaaruhu qabo

MV Helios Ray
MV Helios Ray

Markab laga leeyahay Israel oo uu haleelay qarax ka dhacay marin biyoodka istiraatiijiga ah ee Gacanka Omaan ayaa gaaray dekedda magaalada Dubai, halkaasi oo lagu wado in lagu qiimeeyo xaaladdiisa.

Markabka MV Helios Ray, oo ah nooca xamuulka qaada, ayaa habeenimadii Khamiista ee uu Jimcuhu soo galayay waxaa ku haleelay qarax ka dhacay badda, iyadoo sarkaal ka tirsan waaxda gaashaandhigga Mareykanka uu sheegay in uu dillaac soo gaaray qeybo ka mid ah markabkaasi.

Wasiirka gaashaandhigga Israel ayaa Sabtidii sheegay in qiimeyn hordhac ah lagu ogaaday in Iran ay mas’uul ka tahay qaraxa. Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay saraakiisha Iran.

Markabka ayaa hadda ku xirtay dekedda Rashid ee magaalada Dubai, isagoo ka soo shiraacday xeebta caasimadda Muscat ee dalka Oman halkaas oo ah goobta uu qaraxu ka dhacay.

Sida uu wariyay Channel 13 News, wafdi ka socda Israel ayaa ku sii jeeda Dubai si ay baaritaan ugu sameeyaan qaraxa haleelay markabka.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this