Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaa khasaare ah oo ka dhashay qarixii wadada Cabdiqaasim?

Recommended Posts

Deeq A.   

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarixii saaka aroortii hore ka dhacay wadada Cabdiqaasim ee magaalada Muqdisho, kaas oo geystay khasaare kala duwan.

Qaraxa oo ahaa nooca miinada ee dhulka lagu aaso ayaa waxaa lala eegtay ciidamo watay taliye ku xigeenka ciidamada Xoogga dalka, General Cabaas oo marayey dalcadda dheer ee Cabdiqaasim, sida ay innoo sheegeen ilo wareedyo lagu kasloon yahay.

Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxan ku dhintay ugu yaraan 2 qof oo mid ka mid ah uu ahaa askari, halka mid ka kalena uu ahaa wade mooto Bajaajle.

Sidoo kale waxaa qaraxaasi ku dhaawacmay illaa saddex qof oo kale oo mid ka mid ah uu yahay askari, halka labada kalena ay yihiin wade-yaal Bajaaj oo wadada marayey.

Dhanka kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan qaraxaasi khasaaraha dhaliyey.

Xaaladda haatan ah mid degan, waxaana si caadi ah kusoo noqday dhaq-dhaqaaqa wadada Cabdiqaasim oo muhiim u ah isticmaalka gaadiidka iyo dadweynaha intaba.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:-

157c5015-76da-4946-b27d-43c31a488d4f Qarax

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this