Sign in to follow this  
Deeq A.

Faah faahino ka soo baxaya dagaal ka dhacay gobolka Baay

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiye ku xigeenka dhinaca amniga maamulka degmada Qansax Dheere, Mudane  Maxamed Mukhtaar Cabdi oo la hadlay warbaahinta ayaa faah faahin dheeri ah ka bixiyey weerar ay Al-Shabaab ku qaadeen degmadaas iyo dagaal xigay oo ka dhacay halkaasi.

Maxamed Mukhtaar ayaa sheegay in ciidamada Daraawiishta K/Galbeed iyo kuwa AMISOM ay ka war hayeen weerarka, ayna ka hortageen dagaalyahanada Al-Shabaab.

Sidoo kale wuxuun tilmaamay in dagaalkaasi ay Al-Shabaab uga dileen illaa sagaal dagaalame,s idoo kalena ay dhaawaceen 12 kale.

Guddoomiye ku xigeenka amniga Qansaxdheere ayaa sidoo kale intaasi ku daray inay nolosho ku qabteen dagaalyahano kale, islamarkaana ay soo bandhigi doonaan.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in haatan xaaladda ay degan tahay, islamarkaana ciidamada Koonfur Galbeed iyo kuwa AMISOM ay howl-gallo ka wadaan halkaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this