Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasaaradda arrimaha gudaha Tunisia oo qabatay tahariibaal u socday Talyaaniga

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Tunisia oo samaysay tallaabooyin looga hortagayo Tahriibinta ayaa soo qabatay 87 qof, kuwaas oo qorsheynayay in ay u safraan  dalka Talyaaniga.

Wasaaradda ayaa sheegtay in ciidmaada ilaalada xeebaha ee dalkaas ku guuleysteen in ay ka hor tagaan falal sharci darra ah, kuwaas oo qorsheysnaa inay tahriibiyaan dad badan.

Bayaan kasoo baxay Wasaaradda ayaa lagu sheegay in 45 qof oo ka mid ah dadka lasoo qabtay ay heystaan  dhalashooyin kala duwan ee dalalka Afrikaanka ah, halka 8 qof aya yihiin muwaadiniin Tuunis u dhashay.

Bayaanka ayaa intaas ku daray in dadka lasoo qabtay ay jiraan dad aan wali la ogaanin halka ay ka soo jeedaan, waxaana ku socda baaritaan dheeraad ah.

PUNTLAND POST

The post Wasaaradda arrimaha gudaha Tunisia oo qabatay tahariibaal u socday Talyaaniga appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this