Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Galmudug oo guddi u magacowday la tacaalida Covid-19

Recommended Posts

Deeq A.   

Marxaladda soo labo kacleynta xanuunka Safmarka ah ee COVID-19 oo saameyn balaaran ku yeelatey dalka oo dhan ayaa todobaad gudihii Galmudug laga diiwaangaliyey 13-kiis oo dhammaantood laga helay magaalada Samareeb ee caasimadda Galmudug.

Welwelka laga qabo kororka tirada bukaanada uu soo ridanayo xanuunkan iyo xaaladaha dhabta ah ee ka jira xarumaha hore loogu diyaariyey in ay qaabilaan dadka caawinta u baahan darteed ayaa fadhigan oo uu shir-guddoomiyay ku simaha Madaxweynaha Galmudug ahna Guddoomiyaha Baarlamaanka Dr. Maxamed Nuur Gacal ayna ka qayb galeen Wasaaraddaha Caafimaadka, Amniga, Arrimaha Guddaha, Cadaaladda, Maaliyadda, Gaadiidka, Awqaafta iyo Diinta, Shaqada iyo Shaqaalaha iyo xubno kale oo uu ka mid yahay Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Galmudug ayaa diiradda lagu saarey sidii loo sameyn lahaa diyaar garow mug leh.

Dhammaan Wasaaraddaha fadhigan ka qayb galey ayaa laga dhageystay tallooyin la xiriira talaabooyinka la qaadayo ee hortabinta u leh howlaha ka hortagidda iyo la tacaalidda soo labo kacleynta xanuunka COVID-19.

Wasiiru-dowlaha Caafimaadka Galmudug Axmed Mirre Faafaale oo ugu horreyn Warbaahinta warbixin ka siiyay go’aanada shirkan kasoo baxey ayaa sheegay in la isku afgatay in dib loo furo dhammaan xarumihii karantiilka ee degmooyinka Galmudug.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Dr. Maxamed Nuur Gacal ayaa ugu dambeyn ku dhawaaqey guddi ka kooban 9-xubnood oo isugu jira Wasaarado ay hormuud u tahay Wasaaradda Caafimaadka, kuwaa oo diyaarin doona qorshayaasha la tacaalidda Safmarka COVID-19.

0a6d3c6f-a128-479a-9f2e-96babe5906f4.jpg 1e35d447-fbd9-4b35-873b-a14177784c2a.jpg 1fbca396-e009-4bf3-9f45-df5efe0b1f67.jpg 2e1c5b19-7337-4656-b4b3-9fc285447358.jpg 3c545ac7-6ef0-4857-a59a-96b42a01a757.jpg 4dfbc691-c958-4c97-b1d5-4bc6993844a0.jpg 4ef03516-deaf-4dcf-aad3-628cd99f26b7.jpg 05cebf1c-d818-4be8-a039-f887256fcbe5.jpg 5afd0390-c71e-44a9-9719-b49ccef03351.jpg 5fab6f1e-f8a4-4851-a883-63e37504e199.jpg

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this