Deeq A. Posted February 27, 2021 Xili ay Jubbaland iyo Villa Soomaaliya ay ku loolamayaan Kharashaad badana ay ku bixinayaan Cida hogaaminta Siyaasadeed iyo saameynta ku yeelanaysa Gobolka ayaa waxaa hada Gobolka soo wajahay Daruufo bini’aadanimo. Xaalad bani’aadamnimo ayaa ka socota Gedo halkaas oo abaarta iyo ay si ba’an u saameynayeen xoolaleyda iyo beeraleyda gobolka. beeraha ayaa laga khaxayaa, biyo la’aanta soo ba’an oo Deegaanka ka jira awgeed. Maamulka Gobolka Gacanta ku haya ee Xukuumada Federaalku soo magacawdey ilaa hada kama aysan hadal Abaarahaan mana jiraan Abaabul Gurmad iyo Cid hadal haysa Dhibaatooyinka Saameeyay Bulshada Gobolka Gedo. Axmed Farax Cusmaan oo la hadlay Howlwadeenada Puntlandi.com ayaa sheegay inuu ka walwal sanyahay Xaaladaha Abaaruhu keeneen iyo Ka warqab la’aanta haysata Shacabka, isagoo Carabaabay in Boqolaal kunnoo Dollar lagu bixiyo olole Siyaasadeed oo Gobolka ka socda. Axmed wuxuu sheegay inuu maalin walba arko Dayuurado kusoo qulqulaya Gobolka, saasoo ay tahay ma jirto Cid Dhacabka Gudihiisa ka warqabta. Waxaa loogu baaqayaa Maamulka Gobolka, Fowlada Federaalka iyo Jubbaland in losoo gurmado Gobolka inta xaaladu aysan gaarin xili loo geeriyoodo haraad. Sawiradaan hoose waa qaybo ka mida Shacabka Gobolka oo Biyo la’aan ay naftooda khatar u tahay, The post Amaabro sababay Biyo la’aan ayaa ka taagan Gobolka Gedo appeared first on . Source Share this post Link to post Share on other sites