Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirka Caafimaadka oo shaacisay kiisaskii ugu dambeeyay ee Covid-19

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa warbixinta maalinlaha ah ee xogta Feyruska Karoona ku sheegtay in la diiwaan geliyay 304 xaalado cusub oo COVID-19 ah 48-kii saac ee la soo dhaafay, 8 qof ayaana u geeriyootay, waxaana ka bogsatay 3 qof.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowsiya Abiikar Nuur ayaa caddeysay in xaaladaha cusub laga diiwaan geliyay gobalka Banaadir (147) Hirshabeelle (77) Somaliland (53), Jubbaland (15) Galmudug (2) iyo Koonfur Galbeed (5) qof, 185 ka mid ah bukaannada la xaqiijiyay waa rag, halka 119-na ay yihiin haween.

Tirada xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan geliyay ayaa gaartay 6,991 waxaa bogsootay 3,787 Ruux. guud ahaan 231 ruux oo kale ayaa u geeriyootay.

Marwo Fowsiya Abiikar Nuur ayaa ku celisay mar kale inay muhiim tahay qaadashada tallooyinka caafimaad ee laga helayo khuburada caafimaadka ku takhasusay iyo wacyi gelinta kale ee bulshada lagu ogeysiinayo khatarta cudurkaan uu dadka ku keeni karo, maadaama uu markale soo labo kacleeyay halista cudurka COVID-19.

 

COVID-19-5.jpg

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this