Sign in to follow this  
Deeq A.

Adeegga EVC Plus oo la sharciyeeyay

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_16144333792832180.jpg?resize=720%

Bankiga dhexe ee dowladda Soomaaliya ayaa maanta markii ugu horreysay bixiyey ruqsada adeegga lacagaha taleefoonnada EVC Plus ee shirkadda isgaarsiinta Hormuud.

Guddoomiyaha Bankiga dhexe ee dowladda Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi ayaa ruqdasan ku bixiyay munaasabad ka dhacday magaalada Muqdisho.

Bixinta ruqsada adeeggan ayaa ka dhigan in isku dirista lacagaha talefoonnada ay tahay mid sharciyeysan oo hoos imanayso Bankiga dhexe ee dowlada Soomaaliya.

Sidoo kale tallaabadan ayaa ka dhigan in lacagaha la iskugu diro talefoonnada uu yahay hannaanka koobaad ee lacagaha lagu kala gudbiyo gudaha dalka.

Adeegga EVC Plus ayaa markii ugu horraysay shirkadda isgaarsiinta Hormuud soo bandhigtay sannadkii 2011kii.

PUNTLAND POST


The post Adeegga EVC Plus oo la sharciyeeyay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this