Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo weerar khasaar geystay ka fuliyey dalka Kenya

Recommended Posts

Deeq A.   

Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar ka dhacay duleedka magaalada Mandera ee gobolka Waqooyi Bari, kaas oo ay fuliyeen rag ka tirsan Al-Shabaab.

Weerarka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lagu qaaday ciidamo Kenyaan ahaa oo ku sugnaa deegaanka Sheekh Barrow oo ka tirsan Mandera.

Ilo deegaanka ah ayaa sidoo kale sheegay in weerarka, kadib iska hor imaad kooban uu dhex-maray ciidamada ammaanka iyo sidoo kale raggii weerarka qaaday.

Dhinaca kale Al-Shabaab ayaa war kasoo saartay weerarkaasi, waxaana shaacisay inay ku dishay sarkaal ka tirsanaa ciidamada Kenya, sida ay ku baahisay baraha Internet-ka.

Weli ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca saraakiisha laamaha ammaanka dalka Kenya oo ku aadan weerarkaasi & dagaalka xigay.

Xaaladda ayaa haatan ah mid dedgan, balse ciidamada Kenya ayaa dhaq-dhaqaaqyo cusub ka bilaabay duleedka magaalada Mandera ee gobolka Waqooyi Bari ee dalkaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this