Sign in to follow this  
Deeq A.

Kulan lagu taageerayey heshiiskii siyaasadeed oo lagu qabtay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Heshiiskii ay wada-gaareen dowladda iyo siyaasiyiinta mucaaradka ayaa waxa uu noqday mid taariikhi ah oo ay ka mahad-celiyeen shacabka ku nool magaalada Muqdisho, kuwaasi oo markii horeba ka wal-walsanaa rabshado iyo qalalaase ka dhaca gudaha Caasimadda.

Munaasabad lagu taaagayarayey heshiiskaasi ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho, taas oo ay ka qeyb-galeen, waxgarad, siyaasiyiin iyo qeybaha bulshada.

Nabadoon Hilowle Macalin, Imaam Cabdulaahi Khaliif Rooble  iyo Imaam Cumar Macalin Abshir oo ka hadlay kulanka ayaa hambalyo u diray siyaasiyiinta gartay qiimaha uu leeyahay heshiiska, iyaga oo farta ku guday in wax weliba lagu dhameeyo wada -hadal.

Ugu dambeyn kulanka taageerada ah waxaa soo xiray Garaad Cabdiqani oo aha la-taliyaja duqa magaalada Muqdisho ee dhinacyada siyaasadda iyo dhaqanka.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this