Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Xubno tirsanaa Al-Shabaab oo lagu dilay Gobolka Sh/Hoose

Recommended Posts

Deeq A.   

Taliska Ciidanka Nabad Ilaalinta ee AMISOM ayaa ka warbixiyay howlgallo ka dhan ah Ururka Al Shabaab oo laga sameeyay Degaano ka tirsan Gobolka Sh.Hoose.

Taliyaha Ciidamada Uganda ee qeybta ka howlgalka AMISOM, Don William Nabasa, ayaa sheegay in Xubno ka tirsanaa Al Shabaab lagu dilay howlgallo laga sameeyay Degaanada Mishaani iyo Doonka Daafeedoow ee Gobolka Sh.Hoose.

Taliye William Nabasa ayaa xusay in howlgalladan ay si wadair ah u sameeyeen Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Midowga Affrika ee AMISOM.

Waxaa uu intaasi ku daray in Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ay soo saareen miinooyin lagu aasay wadadda qarkeeda, isagoona tilmaamay in Ciidamada huwanta ay qarxiyeen miinooyinkaasi, si aysan ugu waxyeeloobin Shacabka Gobolka Sh.Hoose.

Dhinaca kale, Safiirka Midowga Afrika, ahna Madaxa howlgalka AMISOM, Francisco Madeira ayaa ku dhiirageliyay Ciidamada huwanta in ay sii wadaan howlgallada lagu baacsanayo Al Shabaab.

Ugu dambeyn, Madaxa howlgalka AMISOM Francisco Madeira ayaa shaaciyay in howlgallada nuucan ay yihiin kuwa lagu sugayo amniga Gobolka Sh.Hoose oo inta badan ay weeraro gaadmo ah ka fuliyaan Ururka Al Shabaab.

Joint-security-forces-fight-patrol-along-Shallamboti-Baledamin-MSR AMISOM-SSF-joint-patrols-along-Janaale-Mishaan-MSR Identified-IED-in-detonation-process-along-Baledamin-Golwenyn-MSR Roadside-IED-disarmed-or-rendered-safe-by-UPDF-EOD-team-along-Buuffow-Shallamboti-MSR

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this