Sign in to follow this  
Deeq A.

Wariye Kilwe Aadan oo ka soo muuqday maxkamadda ciidamada Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   

Maxkamadda ciidamada Puntland ayaa maanta oo Sabtiya billowday dhageysiga dacwada loo haysto Wariye Kilwe Aadan Faarax oo muddo ka badan 60 bari ku xiran magaalada Garowe.

Maxkamadda Ciidamada ee Puntland ayaa wariye Kilwe ku eedeysay qodobka 321 (horkicid sharci siido); qodobka 328 (daabicidda ama faafin warar been ah oo Khalkhal galinaaya deganaanshaha dadweynaha); qodobka 271 (denbi lidi ku ah maamulka iyadoo la isticmaalayo qoraallo wax dhaawacaya); iyo qodobka 219 (yasitaan la yasay qaranka ama maamulka dowladda).

Dhammaan qodobada lagu eedeeyay wariyaha ayaa ku saleysan Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed ee duugoobay (1964) kaasoo hadda loo adeegsado in lagu ciqaabo, laguna maxkamadeeyo suxufiyiinta Soomaaliyeed.

PhotoCollage_20210227_135121714.png?resiAbuukaate Mustafe (bidix) iyo wariye Kilwe (midig)

Maxkamadda ciidamada Puntland ayaa 11 Jannaayo 2021 ku eedeysay Wariye Kilwe ”isku day dil iyo dil” balse eedeymihii hore ayaa la badalay.

“Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Puntland waxaa ka dalbanay in ay cadaymo u keento eedeymaha ay u soo jeedisay Kilwe Aadan Faarax oo ah suxufi mihnadle ah” ayuu yiri Abuukaate Mustafe Maxamed Jaamac oo ah qareenka difaacaya Wariye Kilwe oo la hadlay Puntland Post.

Maxkamadda ciidamada ayaa la saaraa ciidan iyo cidda isu ekeysiisa, waxaana la isweydiinayaa sababta loo saaray wariye Kilwe.

Kilwe Aadan Faarax ayaa xabsi ku jira illaa iyo 27 Disember 2020, isagoo warar ka soo tebiyay dibad-bax looga cabanayey sicir-bararka oo ka dhacay magaalada Garowe.

Wariye Kilwe Aaden ayaa shan iyo tobankii maalmood ee u horreysay ku xirnaa xasbi qarsoodiya oo ay leedahay hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Puntland ee PISA.

Saxaafadda Puntland ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay wajahaysay xarig iyo cabsi gelin joogtaa.

PUNTLAND POST

The post Wariye Kilwe Aadan oo ka soo muuqday maxkamadda ciidamada Puntland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this