Sign in to follow this  
Deeq A.

Gadoodka Ciidanka Qaranka Somaliland, Waa In Lala Xisaabtama Janaraal Nuux Taaani

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidanka qaranka Somaliland waa ciidan ku nool duruufo adag hadana iimaan qaba oo aaminsan in ay gudanayaan waajib qaran oo dastuuriya, mushahar yaraan, xuquuq la’aan iyo waxa isugu darsamay danayn la’aan. haddi aan la xallin gadoodka ay ka soo ruqaansadeen fadhiisamadooda qaranimadu hallis ayay gelaysaa. waxa waajib u weyni saaran yahay Taliyaha guud ee ciidanka qaranka Muuse Biixi Cabdi in uu cabashadaa iyo tabashadaa xalliyo.

Waa in lala xisaabtama Janaraal Nuux Taaani, ciidanka loo kordhiyaa mushaharka, xuquuqaha ka maqan ee ay ka gadoodeenna la siiyaa oo laga jawaabaa. waa in Taliyaha guud ee ciidanka Madaxweyne Muuse Biixi lugtiisa ku tagaa jiidda hore ee Tukaraq, ciidanka cabashadooda ku dhegaystaa dhegihiisa oo loo helaa xal waara tabashada. masuuliyad weyn waa in layska saaraa cabashada ciidanka oo aan la sahalsan lana sii eegan.

Somaliland waxay ka nabad qabtay gadood ciidan oo ka jira wadamada jaarkeenna, jiidda ciidanka joogaa muhiim ayay u yihiin jiritaanka Somaliland, waxa la sheegaa in miisaaniyadeenna 50% in ka badani ku baxdo aminga iyo ciidamada waa in ay ka muuqataa noloshooda iyo nolosha qoyskooda, waxaanu garab taaganahay ciidanka qaranka Somaliland ee difaaca cadawga u jooga duurka.

W/Q Maxamed Disiiq Dhamme

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this